Ministry of livestock foret and range

Mohamud Harbi Street, Warta-Nabadda district, Mogadishu, Somalia

info@molfr.gov.so

+(252) 000-000

info@molfr.gov.so

Mohamud Harbi Street, Warta-Nabadda district, Mogadishu, Somalia

April 21, 2025

News

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta caalamiga ah ee Dhirta Aduunka oo ah hindise caalami ah oo Dunida oo dhan laga xusayo tan iyo 2013 iyadoo u jeedkuna yahay in dalalka lagu dhiirigeliyo inay sameeyaan dadaallo maxalli ah, kuwo qaran iyo kuwo caalami ah si ay Uga hortagaan jarista dhirta islamarkaana diirada u saaraan olole balaaran oo dhir beerisa si loola dagaalamo saameynta isbeddelka cimilada loogana jortago qataraha nabaad-guurka. Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa , xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo qubaro ku xeeldheer arrimaha Dhirta. Masuuliyiinta ayaa tilmaamay In ayada oo laga duulaya qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaaran ay Toban kun oo geed u qeybin doonaan qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

News

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka “Mustaqbalka Xoolo-raacatada” 

Muqdisho, 15 Abriil 2025 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka “Mustaqbalka Xoolo-raacatada” – hindise qaran oo lagu xoojinaayo nolosha iyo dhaqaalaha xoolo-raacatada si loo gaaro horumar waara. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay barnaamijkani inuu yahay “waa cusub oo u baryay xoola-raacatada Soomaaliyeed.” Wuxuu xusay in kastoo Soomaaliya ay leedahay in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, isla markaana ay xooluhu soo geliyeen dalka ku dhowaad $1 bilyan sanadkii tegay ee 2024. Haddana in abaaraha soo noqnoqda, cudurrada, nabaad guurka, iyo adeegyada daweynta oo liita ayaa weli caqabad weyn ku yihiin waxsoosaarka xoolaha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in nidaamka xoolo-raacatada loo beddelo mid casri ah oo adkeysi leh isla markaana la jaanqaadi kara Qorshaha Isbedelka Qaranka. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay hal-abuur qaran oo ay Soomaaliya leedahay. “Waxaan rabnaa inaan hindisahan uga guurno mashaaricda degdeg ah, una gudubno maalgelinta mudada fog ee sahli karta in la gaaro horumar waara.” Wasiir Hassan ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan uu soo kordhin doono Xarumaha Horumarinta Xoolo-raacatada – oo ah xarumo bixin doona adeegyo isku-dhafan sida caafimaadka xoolaha, biyo, quud iyo calaf, iyo suuqyo – si loo dhiso adkaysiga, xoolo-raacatadana ay si firfircoon uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee dalka. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), iyo wasiirro ka socday dowlad-goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qaybgalay munaasabadda – taas oo muujinaysa iskaashiga ballaaran ee lagu horumarinayo xoolaha iyo daaqa dalka. Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway iyo Etienne Peterschmitt (FAO), ayaa hoggaaminayey wafdiga QM, iyaga oo muujiyey in taageero buuxda ay la garab taagan yihiin himilada Soomaaliya. Barnaamijkan waxaa si wadajir u fulin doona hey’adaha kala ah FAO, WHO, IOM, ACF, iyo NRC. Barnaamijka Mustaqbalka Xoolo-raacatada waa ballan-qaad qaran oo ku wajahan casriyeynta, xoojinta dhaqaalaha miyiga, iyo ilaalinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Scroll to Top