Ministry of livestock foret and range

Mohamud Harbi Street, Warta-Nabadda district, Mogadishu, Somalia

info@molfr.gov.so

+(252) 000-000

info@molfr.gov.so

Mohamud Harbi Street, Warta-Nabadda district, Mogadishu, Somalia

Author name: admin

News

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhirta Adduunka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa maanta Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta caalamiga ah ee Dhirta Aduunka oo ah hindise caalami ah oo Dunida oo dhan laga xusayo tan iyo 2013 iyadoo u jeedkuna yahay in dalalka lagu dhiirigeliyo inay sameeyaan dadaallo maxalli ah, kuwo qaran iyo kuwo caalami ah si ay Uga hortagaan jarista dhirta islamarkaana diirada u saaraan olole balaaran oo dhir beerisa si loola dagaalamo saameynta isbeddelka cimilada loogana jortago qataraha nabaad-guurka. Munaasabadda oo ay ka qeyb galeyn qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa , xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo qubaro ku xeeldheer arrimaha Dhirta. Masuuliyiinta ayaa tilmaamay In ayada oo laga duulaya qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaaran ay Toban kun oo geed u qeybin doonaan qaar kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

News

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka “Mustaqbalka Xoolo-raacatada” 

Muqdisho, 15 Abriil 2025 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka “Mustaqbalka Xoolo-raacatada” – hindise qaran oo lagu xoojinaayo nolosha iyo dhaqaalaha xoolo-raacatada si loo gaaro horumar waara. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay barnaamijkani inuu yahay “waa cusub oo u baryay xoola-raacatada Soomaaliyeed.” Wuxuu xusay in kastoo Soomaaliya ay leedahay in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, isla markaana ay xooluhu soo geliyeen dalka ku dhowaad $1 bilyan sanadkii tegay ee 2024. Haddana in abaaraha soo noqnoqda, cudurrada, nabaad guurka, iyo adeegyada daweynta oo liita ayaa weli caqabad weyn ku yihiin waxsoosaarka xoolaha. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in nidaamka xoolo-raacatada loo beddelo mid casri ah oo adkeysi leh isla markaana la jaanqaadi kara Qorshaha Isbedelka Qaranka. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay hal-abuur qaran oo ay Soomaaliya leedahay. “Waxaan rabnaa inaan hindisahan uga guurno mashaaricda degdeg ah, una gudubno maalgelinta mudada fog ee sahli karta in la gaaro horumar waara.” Wasiir Hassan ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan uu soo kordhin doono Xarumaha Horumarinta Xoolo-raacatada – oo ah xarumo bixin doona adeegyo isku-dhafan sida caafimaadka xoolaha, biyo, quud iyo calaf, iyo suuqyo – si loo dhiso adkaysiga, xoolo-raacatadana ay si firfircoon uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee dalka. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), iyo wasiirro ka socday dowlad-goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qaybgalay munaasabadda – taas oo muujinaysa iskaashiga ballaaran ee lagu horumarinayo xoolaha iyo daaqa dalka. Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway iyo Etienne Peterschmitt (FAO), ayaa hoggaaminayey wafdiga QM, iyaga oo muujiyey in taageero buuxda ay la garab taagan yihiin himilada Soomaaliya. Barnaamijkan waxaa si wadajir u fulin doona hey’adaha kala ah FAO, WHO, IOM, ACF, iyo NRC. Barnaamijka Mustaqbalka Xoolo-raacatada waa ballan-qaad qaran oo ku wajahan casriyeynta, xoojinta dhaqaalaha miyiga, iyo ilaalinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

News

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurey mashruuca adkaysiga calafka Xoolaha iyo cuntada Xoolaha ee Afrika oo daahfurtey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS. – Copy

Muqdisho-24-Oct-2023 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurey mashruuca adkaysiga calafka Xoolaha iyo cuntada Xoolaha ee Afrika oo daahfurtey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS. Daahfurka mashruucaan oo furitaankiisa kasoo qeyb galeen Wakiilo ka socdey dowlad goboleedyada Dalka, hay’addaha ka shaqeeyaaa arrimaha hormarinta xoolaha iyo marti sharaf kale ayaa Sidoo kale furintaankiisa qeyb ka ah aqoon iswaadaarsi dhexmari doona dhinacyada ka qeyb galaya. #Danqaran

News

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurey mashruuca adkaysiga calafka Xoolaha iyo cuntada Xoolaha ee Afrika oo daahfurtey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS.

Muqdisho-24-Oct-2023 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfurey mashruuca adkaysiga calafka Xoolaha iyo cuntada Xoolaha ee Afrika oo daahfurtey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS. Daahfurka mashruucaan oo furitaankiisa kasoo qeyb galeen Wakiilo ka socdey dowlad goboleedyada Dalka, hay’addaha ka shaqeeyaaa arrimaha hormarinta xoolaha iyo marti sharaf kale ayaa Sidoo kale furintaankiisa qeyb ka ah aqoon iswaadaarsi dhexmari doona dhinacyada ka qeyb galaya. #Danqaran

News

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Magaalada Roma ee Caasimada Dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlaya arrimaha xalka waara ee Xoolaha, oo 25 September ilaa 27ka socon doona kaas ay soo qaban qaabisey Hay’adda Cunada iyo Beeraha FOA.

Roma-26-Sep-2023 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa Magaalada Roma ee Caasimada Dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir caalami ah oo looga hadlaya arrimaha xalka waara ee Xoolaha, oo 25 September ilaa 27ka socon doona kaas ay soo qaban qaabisey Hay’adda Cunada iyo Beeraha FOA. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa wax ka qabashada caqabadaha arrimaha xoolaha iyo waxsoo-saarkooda

News

Wasiirka Wasaaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay oo ku sugan weli boqortooyada sacuudiga, ayaa Magaalada #Jiddah kulan kula qaatay Madaxa bangiga horumarinta islaamkaH.E. Dr. Muhammad Sulaiman Al Jasser

Jiddah-12-july-2023: Wasiirka Wasaaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay oo ku sugan weli boqortooyada sacuudiga, ayaa Magaalada #Jiddah kulan kula qaatay Madaxa bangiga horumarinta islaamkaH.E. Dr. Muhammad Sulaiman Al Jasser Waxa ay ka wada hadleen kor uqaadida mashaariicda uu bangiga ka fulinayo soomaaliya, gaar ahaan waaxda hormarinta arrimaha xoolaha. #Danqaran DHAMMAAD.

News

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay ayaa Magaalada Riyadh ee Caasimada Dalka Sacuudiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadhly.

Riyadh-09-july-2023: Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed Eelay ayaa Magaalada Riyadh ee Caasimada Dalka Sacuudiga kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadhly. Labada masuul ayaa ka wada hadley iskaashiga labada Wasaaradood iyo kor uqaadida hormarinta ganacsiga Xoolaha ee labada Dal. #Danqaran DHAMMAAD.

News

Wasiirka Wasaaradda Xananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Mr El-khidir Daloum.

Muqdisho, Juun 18, 2023: Wasiirka Wasaaradda Xananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya Mr El-khidir Daloum. Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii Hay’adda Barnaaminka cuntada adduunka WFB iyo Wasaaradda isaga kaashan lahaayeen, hormarinta Daaqa iyo reer guuraaga, wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqdey, adkeynta habka cuntada soomaaliya iyo xal uhelida barakacayasha. #Danqaran DHAMMAAD.

News

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗿𝗶𝗴𝗴𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮, 𝗗𝗵𝗶𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗾𝗮

Muqdisho, Feberaayo 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo la’aanta . Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya. —DHAMMAAD—-

Scroll to Top